Hawgal xooggan oo ka bilowday magaalada Garoowe

Hawlgal xooggan oo lagu sugayo amniga ayaa xalay ka bilowday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Booliiska ayaa xalay baaritaan ka sameeyay inta badan xaafadaha Garoowe,waxaana saraakiishu sheegeen in hawlgalkan lagu baacsanayo dhalinyarada amni-darrada  iyo dhaca ka geysta magaalada,islamarkaana gaadiidka looga fiiqayo bacah beersolka  oo waayadan dambe aad u soo batay.

Taliska Booliska gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hawgalkii xalay lagu soo qabtay in ka badan 30 dhalinyaro ku jiray falal amni-darro ah,sidoo kale gaadiid badan laga fiiqay bacaha madoow ee muraayadaha lagu dhejisto.

Hawgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay Ciidda Soonqaad ka harsan yihiin maalmo kooban,waxaana  taliska Booliisku xaqiijiyay in ay sii soconayan hawgaladan lagu sugayo amniga caasimadda.

PUNTLAND POST