RW KHAYRE: Waxaa la joogaa Xilligii Awoodda loosoo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka qayb-galay shir ay Muqdisho ku yeesheen guddiga madaxa-bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST