Madaxweyne Farmaajo oo Amray in la Furo Wadooyinka Xiran

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa hay’adaha maanka faray in la furo wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterkiisa ku sheegay in la furo wadooyinka xiran.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”.ayuu yiri Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Bulshadda.

Waxaa xiran wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyada oo ay soo dhowadahay munaasabada ciidul Fidriga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in xilligii ololaha uu ku jiray iyo khudbadiisa Musharaxnimada ee uu ka hor-jeediyay Baarlamaanka ku balan-qaaday in aan jidadka la xiri doonin, awoodda dowladdana aanay shacabka ku caburin doonin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho