Issimo Somaliland oo xaal ka siiyay Shacabka Puntland hadalkii Faysal Cali Waraabe

Salaadiin ka tirsan Issimadda Gobolladda Waqooyi Galbeed oo galabta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Boorame waxay raali galin u direen shacabka iyo dowladda Puntland, ka dib jawaab culus oo ay ka bixiyeen hadal maalmo ka hor kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe.

Salaadiinta la hadlay warbaahinta waxaa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Cabdi Ibraahim Riiraash waxay si wada jir ah raali galin uga siiyeen Ardeyda iyo Maamulka Jaamacadda Camuud hadalo kasoo yeerey Faysal Cali Waraabe Hogaamiyaha Xisbiga Saaxiibka dhaw la ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Odoyaasha ayaa sheegay inay magan u yihiin  ardeyda iyo qof kasta oo jooga magaalada Boorame,waxaana ka mid ahaa hadalkooda.            ”Ninka ka hadlay Hargeysa hadalkiisu mid idin quseeya maaha,mid aad dhagta u taagtaan maaha,waa saad u deganaydeen weeye,waa saad u doorateen weeye Boorame ama Hargeysa deganaada,hadalkaas wuxuu ahaa mid ka baxsan nidaamka” Ayuu yiri mid ka mid ah Issimadda saxaafadda kula hadlay magaalada Boorame.

Salaadiinta ayaa fariin u direy shacabka iyo dowladda Puntland waxayna u sheegeen inaysan wax dhibaato ah la kulmi doonin cid kasta oo kaga sugan magaalada Boorame iyo Deegaanada kale ee Somaliland.

Ugu dambeyntii Odoyaashu waxay hadalo dhaliil iyo cambaareyn isugu jirta u jeediyeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen hadalkiisu inuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka guud ee ka jira mandiqada Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST