Sidee Garoowe ku yeelan kartaa gole degaan oo u qalma?

Guddiga horumarinta caasimadda Puntland ayaa maanta qabtay kulan ku saabsanaa dib u eegista qaabka loosoo xulayo xubnaha golaha degaanka ee degmada Garowe.

Kulankaan oo lagu casuumay nabaddoonada gobolka Nugaal, Isimo iyo masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, ayaa lagaga tashanayay dhismaha golaha degaanka Garowe iyo sidii wax looga badeli ahaa qaabkii loosoo xuli jiray, si ay caasimaddu u yeelato gole degaan oo uqalmo, kana shaqeeya baahida shacabka iyo rabitaankooda.

Guddoomiyaha guddigaan Cabdi Salaad Cali, ayaa sheegay guddigaan oo ku dhismay isxilqaan, inuu ka shaqeynayo sidii magaalada Garowe u yeelan lahayd gole degaan oo hufan islamarkaana dadka ku jira ay noqdaan kuwo aan shaqo usoo raadsan, isku filan kuna shaqeeya tabaruc.

Cabdi Salaad, waxaa uu sheegay in il gaar ah lagu hayndoono odayaasha soo xulaya golaha degaanka, isaga oo cadeeyay ujeedadu inay tahay inaanu mar dambe soo laaban dhibaatadii ka taagnayd golaha degaanka iyo qaabkii looso xuli jiray.

“Counil waxaa kamid noqda, dadka hantida magaalada ku leh, dadka ka shaqeysta, dadka aqoonta leh, dhaqaatiirta, Engineerada IWM, waana inay wax ka qaban karaan, amniga, muranada dhulka, wadooyinka iyo nadaafada, “ayuu ydihi Cabdi Salaad.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulankaan ka hadlay ayaa nabadoonada u sheegay in laga rabaa inay kasoo baxaan masuuliyada saaaran iyagoo eegaya awooda bulshadu siisay iyo sida loo karaamaeeyay.

Nabaddoonow waxaa la idinka rabaa inaad noo keentaa wax idin qanciya anagana aan ku qanacno, sababta la idinkugu yeeray oo aad magacaan u huwan tihiin waa inaad bulshada u keentaan cid uqalanto,” ayuu Islaanku kula dardaarmay nabaddoonada kulanka yimid.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xaashi (Qoob deero), ayaa sheegay in loo baahan yahay gole degaanka oo wax ka qaban kara baahida bulshada, loomana baahna ayuu yidhi in maalin kasta la kala ceyriyo ama lakala diro.

Wasiir ku xigeenku waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in gole degaan kasta oo loosoo dhiso Garowe intiisa badani isagoo aan dhameysan xilligiisa in lakala diro, taasoo uu sheegay inay muujinayso qaabka loosoo xulay inuu qalad weyn ka jiray.

Inta badan, nabaddoonadii kulankaan ka hadlay, ayaa soo dhoweeyay aragtida guddiga horumarinta caasimadda, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin dadaalada loogu jiro in Garowe hanato gole degaan oo uqalma.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST