Al-Shabaab oo La Wareegay Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxda Al-Shabaab ay halkaasi la wareegtay.

Ciidamadii Dowlada ee maamulayay degmadaasi ayaa isaga baxay Galinkii dambe ee maanta iyaga aaday dhanka iyo xadka Kenya.

Al-Shabaab ayaa xiligii Afurka si toos ah gudaha u galay Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab oo wata Gaadiidka dagaal ayaa si toos ah gudaha ugu galay Degmada Ceel iyaga oo dadka kala hadlay masaajida iyaga oo ku baaqay in ay is dajiyaan.

Lama oga sababta ay ciidamada dowlada uga baxeen Magaalada Ceel-waaq hayeeshee horay maamulka waxa uu u sheegay in Ciidamada ku sugan ceel waaq aanay aheyn kuwo qalabeeysan.

Dhowr jeer oo hore ayeey sidaan oo kale Al-Shabaab u la wareegeen Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo inkastoo hadana ay dib uga baxayeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post