Puntland oo Somaliland kala hadashay dhalinyaro reer Somaliland ah oo loo diiday Hargeysa

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Libiya ku xirnaa oo dalka dib loogu soo celiyay

Puntland ayaa ka hadashay dhalinyaro reer Somaliland ah oo maalin ka hor laga soo dejiyay garoonka diyaarada magaalada Garowe, kadib markii Somaliland diiday in ay ka degto diyaaradii waday Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo afhayeen xukuumadda Puntland Cabdulaahi Quraan jecel ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Garowe kaga hadlay dhalinyaradaas oo wada hadal kadib shalay galinkii danbe ka degay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay  in dhalinyaro reer Somaliland ah oo tahriibiyaal ah oo laga soo celiyay Liibiya ay hay’ada mujaahiriinta aduunka ee IOM diyaarad ugu kiraysay Hargeysa, balse  Somaliland diiday, kadibna Puntland lagu soo celiyay ayna u ogalaadeen laguna soo dhaweeyay Garowe.

Sidoo kale Wasiir Qarjab ayaa sheegay in muddo 24 saac ah IOM iyo Puntland wada hadal kula jireen Somaliland si dhalinyaradaas Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Somaliland looga dejin lahaa Hargeysa, ugu danbeyna ay ogolaadeen, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay in ay marayaan heer ay dadkoodii diidaan.

Dhanka kale afhayeenka xukuumadda Puntland Quraan Jecel ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay ahaayeen 53 reer Somaliland ah oo diyaarad Muqdisho ka soo qaaday loo diiday in ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Hargeysa, kadib markii Somaliland sheegtay in ay yihiin Soomaali, wuxuuna sheegay in muddo 24 saac ah ay Muuse Biixi ka baryayeen in caruurtaas hooyinkood iyo guryahoodii loo celiyo.

Sidoo kale Qaraan Jecel ayaa sheegay in dhalinyaradaas qaarkood ay xanuunsanayeen ayna ku booqdeen hoteeladii ay ka deganaayeen Garowe, wuxuuna sheegay in ay u diideen Warbaahinta in ay cod ka qabato, kadib markii ay codsadeen in ay ka baqayaan in ay dhibi uga timaado Somaliland.

Hoos ka daawo Qarjab iyo Quraan jecel oo arintaas ka hadlaya

Dhalinyaradan 53 ahayd oo dhamaantood ka soo jeeday deeganada Somaliland ayaa ugu danbeyn shalay galinkii danbe ka degay garoonka diyaarada Hargeysa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay ehelkoodiii iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucid Faysal Cali Waraabe.

Waxaana dhalinyaradaas qaarkood ka muuday dhaawacyo iyo jir-dil soo gaaray in ay ku jireen tahriibka, waxayna qaarkood markii ay Hargeysa tageen ka hadleen dhabaatooyinkii soo maray.

Hoos ka daawo mid kamid ah dhalinyaradii reer Somaliland oo ka hadlaya jirdil loogu geystay Libiya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka ku soo celiso boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa dadal badan oo Afrika iyo Aasiyaba ah.

PUNTLAND POST