Faah-faahin:- Khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degaanka Bali Khadar

Iyado xalay kooxda hubaysan ee Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraha calmadow ee gobalada Bari iyo Sanaag ay weerar ku qaaday degaanka lagu magacaabo Bali Khadar oo u dhow degaanka buuralayda ee Gal-gala ayaa waxaa soo baxaaya khasaarihii ka dhashay weerarkaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa markii hore ciidanka ku garaacay qoriga loo yaqaan hoobiyaha sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST iyadoo markii danbana kusoo qaaday weerar toosa oo ah labba jiho ah.

Ciidanka ay kooxdani weerartay oo ahaa ciidan cusub oo dhawaan tababar loo xiray kana tirsan ciidamada badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa iska caabiyey weerarka kooxdan, waxaana la sheegay inay ciidamada Puntland ka geeriyoodeen 5-askari, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay.

Waxaa halkaas ay kooxda Al-shabaab ku gubtay 4-gaari oo ay ciidamadu lahaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray dhinaca Al-shabaab walow ay iyagu soo qaadeen weerarkan ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Dawlada Puntland ayaan wax wara kasoo saarin weerarkan, dhanka Al-shabaab ayaase sheegtay inay iyagu ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada Badda Puntland.

PUNTLAND POST