Eng. Camey: “Buuhoodle waxaan u nimid calaf iyo ciidan”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdi uu hagaaminyo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada Garowe ayaa ku sii hakaday deegano hoose yimaada Buuhoodle oo xalay ay u howdeen.

Boqaal dadweyne ah ayaa maanta Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdigii la socday kaga hortagay duleedka Buuhoodle, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, calanka Puntland iyo kan Soomaaliya, sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qayb galay ciidamada kala duwan ee Puntland ee jooga magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow.

Camey ayaa soo dhoweynta kadib dadweynaha kala hadlay garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle wuxuuna bulshada uga mahad celiyay sida aadka u diiran ee ay usoo dhoweeyeen, isagoo intaas ku daray in ay Buuhoodle  u yimaadeen calaf iyo ciidan.

Hoos ka daawo soo dhaweyntii iyo hadaladii halkaas laga jeediyay

PUNTLAND POST