Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u safray Buuhoodle

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdi uu hagaaminyo ayaa maanta u safray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saaka hiirtii hore ka ambabaxay magaalada Garowe, waxaana safarkiisa Buuhoodle ku wahelinaya masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Puntland, saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Magaalada Buuhoodle waxaa ka socota qaban- qaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo oo la filayo in ay gaaraan maanta galinka danbe.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Buuhoodle  ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay magaaladaas ay isugu yimaadeen ku dhawaad 10 Issim oo kasoo jeeda gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo Somaliland ugu baaqay in ay isaga baxaan gobolladaas.

Sidoo kale shacabka Buuhoodle ayaa maalmo ka hor dhigay mudaharaad looga soo horjeedo Somaliland, waxaana deegaanadaas muddooyinkii danbe laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdiga uu hagaaminayo ayaa inta ay Buuhoodle u sugan yihiin kulamo la qaadan doona Issimada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee Buuhoodle.

PUNTLAND POST