Shirar looga hadlayey qorshe hawleedka afarta sano ee Wasaaradaha oo Garoowe kusoo xirmay

Shirar kala duwan oo muddo hal toddobaad ah u soconayey Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee Capacity Injection Project isla markaana looga arrinsanayey qorshe hawleedka hay’adahaas ee afarta sanno ee soo socota ayaa maanta lasoo afmeeray.

Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwna ee shirarkaanu u socdeen ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dawladda, Xafiiska Xisaabiyaha guud ee dawladda iyo Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah.

Ujeedada shirarka ayaa ahaa sidii loosoo gunaanadi lahaa buuggaagta qorshe-hawleedada dhammaan xarumahaasi oo diyaarintooda iyo la tashiyo laga sameeyey oo kala duwani ay muddo socdeen iyadoona ay dijinta qaabka farsamo ee qorshe hawleeddadaas uu Baanka adduunku ka caawinayey dawladda.

Ugu dambayn shirarkaan ayaa dawladda ugu soo dhammaaday natiijo wanaagsan iyadoona laga soo saaray qorsheyaal dhaxgal u ah hay’adahaasi dawladda kuwaas oo la qorshaynayo inay si wanaagsan  u  shaqayn doonaan afarta sano ee soo socta.