Faahfaahin dagaalkii Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland

Dagaal la isku agdhacay sidii la isu dilayay muddo ka badan 5 saacadood oo xiriir ah ayaa maanta ku dhexmarey TUKO-RAQ ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Si sax ah weli uma tira koobna khasaaraha labada dhinac kala gaarey,waxaana warar madax banaan sheegayaan nabar culus oo saacadihii horre dagaalka bilowgiisa ku dhacay ciidamada Somaliland kaas oo sababay dhimashada askar badan iyo saddex gaari oo laga gubay Somaliland,Halka si la mid ah nambarkii kaas ku xiggay uu ku dhacay ciidanka Puntland sida laga soo xigtey ilo lagu kalsoon yhay.

Jugtii horre ee dagaalka ciidamada Somaliland waxaa laga durkiyay aagag ay horey u joogeen sida buurta laba madaxleey iyo Buundada kunjeer aniga ku jecel,iyadoona xabadu dhinaca shishe u dhaaftey TUKA-RAQ wallow markii dambe ay dib ugu soo ruqaansadeen balse uma aysan suuro galin inay soo dhaafaan bartoodii horre ciidanka SOMALILAND.

Ciidamada PUNTLAND iminka waxay TUKA-RAQ ka fadhiyaan jihooyin kala duwan,waxayna xaaladda labada dhinac dagaalkii maanta u egtahay barbar dhac ah, marka laga tago khasaaraha oo ay suuro gal tahay inay ku kala badan yihiin.

Gadiid la kala furtey waxaa la ii sheegay labo baabuur oo mid beebe yahay iyo gaari kale oo takniko ah oo PUNTLAND ku qabsatey dagaalkii maanta.

Jawiga galabta ka jira jiida saaka la isku fara-saarey waa uu degan yahay.

Isku soo wada duubo dagaalkii maanta sida la aaminsan yahay wuxuu ka cuslaa dagaalkii kan kasii horeeyay.

Aaga Tukaraq

PUNTLAND POST