Qaybo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland oo dib u casriyayn lagu samaynayo

Kulankaan oo saaka ka furmay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa waxaa looga hadlayey furitaanka wejiga saddexaad ee dib u casriyaynta iyo dib u qaabaynta hay’adaha dawladda iyo wasaaradaha dawladda ee aan qaybta ka ahayn labadii weji ee hore.

Wasaaradaha dib u eegista lagu samaynayo ayaa waxaa kamid ah Wasaaradaha kala ah  Dastuurka, Warfaafinta, Caddaaladda, Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Wasaaradda  Dib udhiska sidoo kale waxaa kamid ahaa hay’adaha kala ah  Hay’adda Biyaha, Hay’adda Waddooyinka, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Ujeedada laga leeyahay barnaamijkaan ayaa ah tayaynta  hay’adaha dawladda ee aan markiii hore nasiibka u yeelan in dib u casriyayn lagu sameeyo si’ay uga faa’iideystaan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland.

Hore ayaa dib u qaabayn iyo dib u casriyayn waxaa loogu sameeyey dhowr iyo toban hay’adood oo kamid ah hay’adaha dawladda kuwaas oo muujiyey isbeddello mugle oo dhanka tayada shaqaalaha iyo midda shaqadaba la xiriirta ah kadib markii lagu sameeyey dib u casriyaynta.