Garab kamid ah Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe

Cabdalle Cagalule 21 May 2018 shir jaraa’id Garoowe

Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) haatanna sheegtay in uu yahay madaxweynaha Khaatumo oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si buuxda u taageeray dagaalka ay Puntland ku soo celinayso xuduudaha maqan ee gobolka Sool.

Mudane Cagalule ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhaleeceeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay gacan-ku-dhiigle ku caan baxay gumaadka bulshada reer Khaatumo iyo boobka dhulkooda,isagoo ku hanjabay in Somaliland aysan sii haysan doonin degaannada ay kaga sugantahay gobolka Sool.

Dhinaca kale Cagalule ayaa si kulul u canaantay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ay jiraan rag aqoonyahanno loo qabay oo Somaliland been ku qancisay,islamarkaana  dhuuni dartiisa u taageersan kala go’ynta umadda Soomaaliyeed iyo burburinta jiritaanka iyo qarannimadeeda.

Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Khaatumo ee Somaliland xilalka ka haya ay lamid yihiin awr raray ah oo koromo ah (dhufaanan),wuxuuna caddeeyay in aysan matalin bulshada ay magaceeda sheeganayaan,sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka dhegayso dhammaan arrimaha uu ka hadlay.

PUNTLAND POST