Duufaan halis ah oo ku soo foolleh dhul xeebeedka Puntland iyo Somaliland

Duufaan xoog leh oo loogu magacdaray ONE ayaa la sheegay in ay ka soo kicikarto waqooyiga badwaynta Hindiya, waxaana la saadaaliyay in ay saamayn doonto inta badan gobollada Puntland iyo Somaliand 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO.

Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24-ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee gobolada dhexe.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robab mahiigaanno ah.

Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargarow muujiyaan, maadaama laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici ka dhici karaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.

Ma ahan markii koowaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland, iyada oo ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.

PUNTLAND POST