Cudurka halista ah ee EBOLA oo laga helay Dal Afrikaan ah oo ay Colaado halakeeyeen

Kinshasa (PP) ─ Dalka Congo oo ay colaado ka taagan yihiin ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dad aad u badan ku dilay galbeedka Afrika sannado ka hor.

Wasiirka Caafimaadka DR Congo, Oly Ilunga Kalenga – ayaa xaqiijiyay in kiis oo cudurka EBOLA ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi-galbeed, halkaasoo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.

Heer cusub ayay arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taasoo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Sidoo kale, Ka hor inta Wasiirka Caafimaadka DR Congo uusan xaqiijin kiiska cusub ee xanuunka EBOLA, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay miyiga oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla Waqooyi-galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan xaalado xun oo kiisaska xanuunka halista ah ee EBOLA.

Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay’addu horey u balan qaaday.

Wasiirka Caafimaadka DR Congo ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo Xanuunka EBOLA uu billaaban doono maalmaha fooda nagu soo haya.

Dhanka kale, Dawooyinka ay hay’adda WHO balan-qaaday ayaa qayb weyn ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka EBOLA uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor.

Ugu dambeyn, Shacabka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan.

PUNTLAND POST