Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub

Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League-ga 2018

Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalk Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League, kadib markii ay ciyaartii kama danbeysta (Final-ka) 3-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Farnce ee Marseille.

Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa labo kamid ah goolasha Atletico Madrid u dhaliyay, daqiiqadihii 21-aad iyo 49-aad ee qeybtii hore iyo tii danbe ee ciyaarta.

Antoine Griezmann

Halka goolka quusiyay Marseille uu dhaliyay Gabi daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxayna ugu danbeyn ciyaartu ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid.

Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europe League-ga, waxayna qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018.

Ciyaartan kama danbeysta ee tartanka Europa League-ga  ayaa ka dhacday garoonka Groupama ee magaalada Lyon ee dalka France.

PUNTLAND POST