Michael Keating oo ka hadlay dagaalka Puntland iyo Somaliland

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Michael Keating ayaa lagu booriyay labada dhinac Puntland iyo Somaliland in ay wadahadlaan si ay uga shaqeeyaan xabbad joojin iyo heshiis siyaasadeed ayna si degdeg ah u raadsadaan xal nabadeed oo ay ka gaaraan khilaafkooda.

“Qaramada Midoobay waxay labada dhinac  ku boorineysaa inay wada hadal yeeshaan colaada, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka hay’ad ahaan  anagu mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” ayuu yiri Micheal Keating.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay madaxda Puntland iyo Somaliland, isagoo kala hadlay colaada labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku biiraya kii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee ka dhacay gobolka Sool.

PUNTLAND POST