AKHRISO: Bayaan ay Maamul-goboleedyadu ka soo saareen Shirkoodii Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Shirkii Madaxda Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaliilay Dowladda Federaalka ah ee Somaila iyo Qaabka ay ula dhaqanto Dowlad-gobooleedyada.

Bayaanka laga soo saaray shirka ayay ka dalbadeen dowladda dhexe in la hubeeyo ciidamada maamul-goboleedyada, isla markaana qayb laga siiyo dhaqaalaha deeqaha ee Dowladdu hesho iyo in la fuliyo heshiisyadii hore.

Shirkan oo socday muddo laba saddex ah ayaa waxaa looga dooday sida ay u wada-shaqeyn karaan maamullada dalka ka jira iyo Dowladda Dhexe oo ay ku eedeeyeen madaxdii shirka goobjoogga ka ahaa inaysan jirin wax wada-shaqeyn ah oo ay la leedahay maamulladooda.

Sidoo kale, Goluhu waxay walaac ka muujiyeen Dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen, ayna ka tirsan tahay deegaanada Puntland, iyagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalkaas.

Madaxda Dowlad-goboleedyada waxay Dowladda Federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, waxayna sidoo kale aan wali la dhaqan-gein qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii Feberaayo ee sannadkaan ee ku saabsanaa dhismaha ciidamada booliiska iyo daraawiishta dowlad goboleedyada.

Dhanka kale, Madaxdii shirkaas ka qayb-galay ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee Dowladda Federaalka, Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, Waxayna tilmaameen in loo arko in Dowladda Somalia ay dhinac la safatay markii uu soo if-baxay muranka dalalka khilaafka Khaliijka.

AKHRISO: Bayaanka laga soo saaray shirkii Maamul-goboleedyada;

PUNTLAND POST