XAAF: Haddaan ka hadalno caqabadaha jira ma ahan inaan mucaarad ku nahay Dowladda

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in haddii wax jira ah ay ka hadlaan la yiraahdo waxaad mucaarad ku tihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay inaanu jirin wax caqabad ku noqon karta Dowladda dhexe ee dalka oo ay maleegayaan maamul-goboleedyada, markii laga soo tago sixitaanka ay saxayaan khaladaadka Dowladda.

“Waxaanu ka hadlaynaa wixii khaladaad ah oo ka dhaca Dowladda, suuro-galna ma ahan yaan la hadlin, waayo hadalkeenna ayay wax ku saxmaan, waan sheegeynaa wixii khalad ah ee jira,’’ ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug wuxuu hoosta-ka-xariiqay in maamul-goboleedyada dalka aysan diyaar u aheyn inay ka hor imaadan Dowladooda, balse qorshuhu uu yahay sida lagu sixi lahaa Dowladda, haddii uu khaladaad ka yimaado.

“Ma aha in nala dhaho waxaa tihiin mucaaradka ama cadowga Dowladda, micnaha haddii aan runta u sheegno dowladda ma waxaa nahay cadow… taas ma ahan wax caqliga geli kara,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Axmed Ducaale wuxuu tilmaamay in Dowladda Somalia aysan ixtiraaminayn maamullada dalka, sidaa darteedna ay caqabad noqotay wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Dhanka kale, Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Somalia laga doonaayo inay xoriyad siiso maamullada, isagoo carabka ku dhuftay in dowladda ay ku dhisan tahay talooyinka maamul-goboleedyada.

Madaxda Maamullada dalka ayaa ku shirsan Baydhabo iyagoo ka hadlaya danahooda gaar ah, waxaana kulankan oo ah kii labaad oo mas’uuliyiinta maamullada dalka ay yeeshaan ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka iyaga iyo dowladda dhexe ka aloosan.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay u aragtaa maamullada dalka ka jira inay weerar dadban ku yihiin Dowladda dhexe, waxaana hadalkan uu ka sheegay kulan xalay lagu qabtay Baydhabo.

PUNTLAND POST