Puntland oo war ka soo saartay dagaalka Sool

Puntland ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo u dhaxeeyay ciidmada Puntland iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saaka oo ay tahay 15-ka bisha May ay Somaliland mar labaad weerar ku soo qaaday deegaano horleh oo ay leedahay Puntland.

Sidoo kale wr-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland u caddeynayso shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in aysan wadin duulaano iyo shaqaaqooyin waxyeelaynaya xasiloonida iyo daganaanshaha umada Soomaaliyeed, ayna dulqaadatay iyadoo lagu soo duubay dhulkeeda, Somalilandna ay hurinayso dagaalo iyo colaad horleh.

Ugu danbeyntii Puntland ayaa shacabkeeda ugu baaqday in ay ilaashadaan wada jirkooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo wax yeeli kara deganaanshahooda.

PUNTLAND POST