Dowladda Soomaaliya: Diyaar ayaan u nahay in AMISOM aan kala Wwareegno Amniga Dalka

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala wareegto ciidamada AMISOM hawlaha ammaan ee Dalka ka hayaan si loo suuro-geliyay qorshaha kala guurka ah ee ay ciidamada Midowga Afrika kaga baxayaan Soomaaliya.

Cabdi Muuse Cali oo ah la-taliyaha dhanka ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wadajir ah oo ka socda AMISOM, Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameynayaan sidii ay u suuro-geli lahayd in Ciidamada Somalia ay ugala wareegi lahaayeen AMISOM hawlaha ammaan ee dalka ay ka hayaan.

“Qorshahan waa mid lagu doonayo in la suuro-geliyo in ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan amaanka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka mahad-celinayso dadaalladii ay beesha caalamku ku bixiyeen sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd mid xasilloon.

“Soomaaliya waxay haatan diyaar tahay inay ka shaqeyso ammaanka guud ee dalkeeda, waana qorshe billow u ah in mas’uuliyadda mustaqbaka dalka ay si dhab ah ula wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdi Muuse.

Gudddiga wadajirka ah ee ka shaqeynaya hawsha amniga Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Somalia ayaa kulammo la qaatay dhinacyada ay arrintan quseyso, si loo hir-geliyo qorshaha kala guurka ah ee sannadaha soo socda dhacaya.

Ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira oo isagna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay mar walba diyaar u yihiin fulinta qorshaha ay kaga baxayaan Soomaaliya.

“Waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka siinno Dowladda Soomaaliya qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso ciidammo awood leh oo mas’uuliyadda amniga ee dalka kala wareega AMISOM, mana ahan ciidammada oo keliya, waxaanan ka qayb-qaadanaynaa dhismaha hay’adaha dowladda oo dhan,” ayuu danjire Madeira ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan ay ka hadleen dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ka bixitaankooda xilliga soo socda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ciidamada Soomaaliya aan weli loo tababarin sidii ay amniga ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST