Micheal Keating oo ku Wajahan Magaalada Hargeysa

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hareysa ee  xarunta Maamulka Soomaaliland.

Micheal Keating iyo wafdigiisa ayaa Hareysa kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Keating iyo Biixi ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira xiisadaha colaadeed ee deegaanka Tuka Raq.

Shalay Mr Keating ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isaga oo la kulmay Madaxweyne Gaas.

Gaas iyo Keating ayaa ka wada hadlay xal u raadinta xiisadaha u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland iyo Deegaanka Tuka Raq.

Qaramada Midoobay ayaa ku hoowlan sidii loo joojin lahaa xiisadaha dagaal ee Soomaaliland iyo Puntland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post