Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku Wajahan Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ay ku soo wajahanyihiin magaaladaasi.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland , Hir Shabelle iyo Gal-Mudug ayaa Goordhow oo maanta ah tagi doono Magaaladaasi Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa shir uga furmi doonaa magaalada Baydhabo oo ay uga hadlayaan xaaladaha dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo ah kii labaad oo Madaxda maamul Goboleedyada si gaar ah u yeeshaan ayaa ah mid xasaasi ah.

Kulankaasi ayaa ku soo beegmaya xili baryihii ugu dambeeysay ay soo ifbaxeeysay qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho