Micheal Keating oo ku wajahan Garoowe

Wakiilka Xog-hayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Mr. Keating ayaa Garoowe kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Keating ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Micheal Keating ayaa Madaxweyne Gaas kala hadli doono colaada ka taagan deegaanka Tukaraq oo dhawaan ay Somaliland kala wareegtay Puntland.

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay xaliso xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post