Shirkii billaha ahaa ee mashruuca tayaynta shaqaalaha ee CIP oo looga hadlay arrimo muhim ah

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawaladda iyo shaqaalaysiinta ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Shirkaan ah mid bishii mar la qabto isla markaana looga arrinsano machruuca CIP ayaa maanta waxaa looga hadlayey Ansixinta Qorshaha mashruuca ee sannadkaan 2018 iyo  baahiyaha shaqaale ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dawladdu.

Dhammaan masuuliyiihinta hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca oo goob joog ka ahaa ayaa dood dheer ka galay qorshe hawleedka 2018-ka iyo dhammaystirka baahiyaha shaqaale ee ay u baahan yihiin hay’adaha dawladdu.

Dhowaan ayaa waxaa lasoo bandhigi doonaa dufcaddii saddexaad ee shaqaalaha ay qaadanayso dawladda Puntland iyadoo dhowaan lasoo afmeeray dufcaddii labaad isla markaana meel fagaare loogu bandhigay bulshada qaabkii loo qaaday imtixaanka iyo qof walba inta uu keenay.