Shir ku saabsan dhammaystirka heshiiskii Maygaagle oo ka furmay degaank Saax-dheer ee gobolka Sool

Shir ku saabsan dhammaystirka dib-u-heshiisiinta beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-haharsame oo ay ka qeyb galayaan in ka badan saddex boqol oo ergo labada dhinac ah ayaa shalay ka furmay degaanka Saax-dheer ee gobolka Sool.

Shirkaan oo ay gogoshiisa fidisay beesha Bah-hararsame ayaa daba socda,shirkii dib-u-heshiisiinta labadan beelood oo 10 Febraayo ee sannadkaan ka qabsoomay degaanka Maygaagle ee gobolka Nugaal,waxaana lagu dhammaystiraya qodobada heshiiskii hore,gaar ahaanna arrimaha ku aaddan isu-celinta hubka iyo hantida ku kala maqan labada dhinac,sida ay sheegayan dad xog-ogaal ah oo madasha ku sugan.

Heshiis ka kooban sagaal qodob oo bishii Febraayo ee sannadkaan lagu gaaray degaanka Maygaagle ee gobolka Nugaal ayaa isimada iyo waxgaradka labada beelood ka sheegeen in ay si buuxda uga heshiiyeen dhammaan khilaafaadkii iyo colaaddi u dhexaysay,waxaana dhaqan-gelinta iyo dhammaystirka hawshaas loo xilsaaray guddi wadaag ah.

Colaadda beelahan ka heshiiyeen ayaa salka ku haysa muran ka dhashay ceelal iyo carshin(dhul-daaqsin) ku teedsan soohdinta u dhexaysa gobolada,Sool iyo Nugaal ee xigta dhinaca Ethiopia,halkaasi dhowr jeer oo hore  dagaallo khasaaro geystay ka dhaceen.

PUNTLAND POST