Ugu yaraan lix ruux oo ku dhimatay dagaallo ka dhacay gobolka Sanaag.

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay,inka badan toban kalena waa ku dhaawacantay dagaallo xooggan oo maanta ka qarxay degaanno hoosyimaada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,sida ay xaqiijiyeen  qaar kamid ah waxgaradka gobolkaasi.

Dagaalladan oo u dhexeeya  beelo halkaasi wada-dega ayaa lagu soo warramayaa in ay ku salaysan yihiin aanooyin hore oo ka dhashay colaad in mudda ah ka dhex aloosan beelahaasi oo markii hore ka kacday dhul-daaqsin iyo ceelal lagu muransanyahay.

Degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sanaag  ayaa sidoo kale la  soo sheegaya in beelahan ay maanta ku dagaallameen,balse weli si rasmi ah looma hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay,sida ay sheegayan mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

Colaaddan oo marar badan soo noq-noqotay ayaa dhowaan heshiis laga gaaray,laakiin heshiiskaas ayaa burburay maalmo ka hor,kadib markii dad kale lagu laayey meelihii horay loogu dagaallamay..

Wixii ka soo kordha kala soco: PUNTLAND POST