Puntland oo u wareejisay Baladweyn taakulo la bixin jiray bisha Ramadaan

Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garoowe masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda  iyo Arrimaha Diinta Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,adda Islamic Relief waxay ku dhawaaqeen taakulo bisha ramadaan la siin jirey 1800 (Kun iyo Sideed boqol ) oo qoys in sanadkaan loo wareejiyay shacabka Baladweyn oo ay soo wajahday musiibo xoog leh oo ka dhalatey fatahaada biyaha wabiga Shabelle.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay gurmadkaan inuu ka dhigan yahay horumarin islamarkaana ay weli ka socoto gudaha Puntland taakulo balaaran oo shacabka iyo dowladdu ay ugu talagaleen caawinta dadka ku nool magaalada Baladweyne.

Wasiir Xabiib ayaa sheegay in dowladda Puntland bixisay taakulo loogu talagalay dadka reer Baladweyn, wuxuuna sheegay inay ka damqanayaan dhibaatada taala Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyn.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirka jaraa,iid saraakiil ka socota hay,adda Islamic Relief oo sheegay ka dib wada hadal dhexmarey masuuliyiinta wasaaradda cadaaladda Puntland iyo masuuliyiinta hay,adda inay isla garteen u wareejinta shacabka Baladweyn deeqdii bisha ramadaan la siin jirey 1800 oo qoys oo ku nool gudaha Puntland .

Isku soo wada duub gudaha deegaanadda Puntland sida goobaha cibaadada (masaajida) iyo meelaha dadku ay ku kulmaan waxaa ka socda olole taakulo oo la doonayo in loogu gurmado dhibaatada uu sababay fatahaada biyaha wabiga shabelle ee ka jidha magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.