Real Madrid oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah u soo baxday ugu danbaynta koobka kooxaha Yurub

Real oo u dabal-dageysa guusha ay gaareen.

Kooxda Real Madrid ayaa gaartay sanadkii saddexaad oo xiriiir ah ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga, kadib markii ay  Bayer Munich la gashay barbaro 2-2 ah.

Kulankan oo ahaa is araga labaad ee afar dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga waxa uu ka dhacay garoonka Real Madrid ee Santaigo Bernabeu, waxayna wadar labada kulan ku soo baxday Real 4-3, maadaama ay  Bayer Munich is aragii hore uga soo adkaatay 2-1.

Bayer Munich oo ciyaar xiiso badan soo bandhigtay isku dayo badan oo goolal loo filan karayna sameysay ayaa ku guuldareystay in ay guul ka gaarto  Real Madrid, oo sidaan oo kale sanadkii hore ku reebtay siddeed dhammaadkan tartankan.

Bayern Munich ayaa rajadeeda si wayn sare ugu soo qaaday daqiiqadii 3-aad ee bilowgii ciyaarta, kadib markii uu difaaca midig ee Kimmich uu si la mid ah is aragii hore kooxdiisa goolka furitaanka u dhaliyay.

Balse Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid u keenay laba gool qadiiqadihii 11-aad iyo 46-aad, oo mid u muuqday in uu ahaa hadiyad ay bixisay Bayer, markii khalad uu sameeyay goolhaye Ulreich.

Real Madrid ayaa waxaa walwal ku abuuray laacibkoodii hore ee James Rodriguez, markii uu goolka barbarha u dhaliyay kooxdiisa Bayer Munich daqiiqadii 63-aad, markaas oo ciyaartu noqotay 2-2 oo hadii gool kale laga dhalin lahaa Real Madrid ay sidaas ku hari lahayd.

Balse nasiibka tababare Zidane iyo dadaal ay sameeyeen difaacyada iyo goolhaye Navas ayaa sababtay in ay ciyaartu ugu danbeyn ku dhamaato barbaro 2-2 ah, oo ay Real Madrid ugu soo baxdo ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga sanadkii saddexaad oo xiriir ah.

Real Madrid ayaa  ugu danbaynta (final) tartankan 26-ka bishan May dalka Ukraine kula ciyaari doonta Liverpool iyo Roma midkood tii caawa soo baxda.

PUNTLAND POST