Puntland oo soo bandhigtay natiijada imtixaankii loogu tartamayey shaqaalaha dawladda

Munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka dufcaddii labaad (Second wave) ee u tartamaysey imtixaankii ay soo dhejisey dawladda Puntland ee loogu tartamayey kamid noqoshada shaqaalaha cusub ee ay dawladdu qaadanayso ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, guddigii imtixaanka qaadayey, guddiga xallinta cabashooyinka ka yimaada tartamayaasha, ururada bulshada rayidka ah iyo dhammaan tartamayaashii ka qayb galay imtixaanadii la qaaday.

Intii munaasabaddu socotey ayaa khudbado iyo soo jeedino kadib waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanka iyadoo shaashad lagu soo bandhigay boos walba iyo inta qof ee u tartantay iyo qof walba natiijadii uu kenay iyadoo ay tartamayaashii iyo kasoo qayb-galayaashiiba goob joog yihiin.

Guddiga xallinta cabashooyinka ayaa goobta ka hadlay ka hor intaan natiijada lasoo bandhigin iyagoo ka codsaday tartamayaasha in ay soo gudbistaan ciddii cabasho qabta isla markaana la tusi doono qof walba iyo warqaddii uu imtixaanka ku galay ee uu gacantiisa ku qoray.

Ujeeddada ka dambeysey in hannaankaan lasoo bandhigo ayaa ahayd si bulshadu ay ugu qanacdo habka hufnaanta ah ee dawladdu ay u gudaneyso waajibkeeda ka saran sinnaanta muwaadiniinta, isla markaan meesha looga saaro dacaayadaha aan salka lahayn ee lagu eedaynayo hannaanka imtixaanka.

Waa markii ugu horraysey ee hannaanka noocaan oo kale ah lagu hirgeliyo guud ahaanba Soomaaliya si loo ilaaliyo bedqabka, hufnaanta iyo kalsoonida  muwaadiniinta u tartamaysa shaqada dawladda, maadaama shaqada dawaldda ay tahay mid loo siman yahay.