Madaxweyne ku xigeenkii Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xilkii laga qaaday

Muqdisho (PP) ─ Maalmihii lasoo dhaafay ayaa bannaan-baxyo looga soo hirjeedo maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxay ka dhacayeen deegaanno ka mid ah kuwa maamulkaas uu ka taliyo.

Deegaannada ugu badan ee mudaaharaadyadu ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shinniile, waxaana la sheegay in rabashadhan gilgilay deegaannada maamulka Soomaalida Itooobiya ay xilalkooda ku waayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Wargeyska laga leeyahay Itoobiya ee la yiraahdo Addis Standard ayaa qoray in Madaxweynaha Dowlada-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeynkiisii Cabdikariin Cigalle, kuna badalay Xamdi Aadan Cabdi oo sida la sheegay kasoo jeeda Deegaanka Shiniile ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Haweeneydan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ayaa la sheegay inay ahayd Wasiiradii caafimaadka maamulka, iyadoo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay oo loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka maamulka DDSI.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa sababta xilka looga qaaday C/kariin Cigalle ku sheegay in laga baqay inay kordhaan dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya deegaanka Shinniile.

Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya inay jraan deegaanno kale oo wali ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata oo laga baqayo inay sii kordhaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dadaal uu ku joojinayo dibad-baxdyada rabshadaha wata ee looga soo horjeedo maamulkiisa.

PUNTLAND POST