Garowe:-Culimadda Al Amru bil macruuf oo ku baaqday in laga qeybqaato barnaamijka Afuri walaalka Muslimka.

Culimadda Jimciyadda Al Amru bil macruuf wa nahyi cani munkar, Hay,adda wanaag farida iyo xumaan reebida ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtey shir sanadle ah oo lagu daahfurayo barnaamijka Afuri walaalkaaga Sooman.

Sheikh Yaasiin Cabdulaahi iyo Gudoomiyaha Jimciyadda Sheikh Maxamed Xamari oo ka hadlay barnaamijkan ayaa sheegay inuu soo socdey muddo ku siman 18 sano islamarkaana lagu afuriyo dadka masaakiinta oo aan awoodin afurka.

Culimada ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo wajahayo barnaamijkaan waxayna sheegeen bil kasta oo ramadaan ah oo ah bil cibaado in dadka islaamka ah gaar ahaan Soomaalidu si wanaagsan uga qeybqaataan sadaqadaan lagu hay,addu ku afuriso kumanaan masaakiin ah oo aan awoodin afurka.

Sidoo kale maamulka Jimciyadda Al Amru bil macruuf wa nahyi cani munkar ayaa soo bandhigey muuqaalo iyo sawiro ku saabsan qaabka uu dhacay barnaamijkaan sanadkii horre ama ramadaankii horre.

Ugu dambeyntii waxay ugu baaqeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cid kasta oo islaam ah inay u diyaargaroobaan sidey uga qeybqaadan lahaayeen caawinta masaakiinta xilli ay dhawr iyo toban cisho oo qudha ka dhiman tahay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

????????????????????????????????????

Garowe

PUNTLAND POST