Real Madrid oo guul ka gaartay Bayer Munich Afar dhammaadka tartanka kooxaha Yurub

Kooxda Real Madrid ayaa caawa guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Bayer Munich oo ay marti ugu ahayd garoonkeed Allainz Arena, kulan ka tirsanaa lugta hore ee afar dhammaadka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay ugu awood sheegatay 2-1.

Bayer Munich ayaa goolka furitaanka la hormartay daqiiqadii 28-aad, waxaana u dhaliyay Kimmich, balse Marcelo iyo Marco Asensio oo kaydka ka soo baxay ayaa Real Madrid u keenay labada gool qadiiqadihii 44-aad iyo 57-aad.

Bayer Munich ayaa dhibaato la kulantay qeybtii hore ee ciyaarta, markii ay ka dhaawacmeen Robben iyo Boating oo kamid ahaa laacibiinta ugu muhiimsan, taasina waxa ay qeyb ka noqotay guul darada soo gaartay.

Inkastoo Bayer Munich ay kulankan bandhig fiican sameysay hadana waxaa loogu awood sheegtay  taageerayaasheeda hortooda, waxaana rajadoodu ku xiran tahay kulanka danbe oo marti loo yahay Real Madrid.

Real Madrid oo tartankan labadii sano ee la soo dhaafay ku soo guuleysatay ayaa hada u muuqata mid awood u leh in ay sanadkii saddexaad oo xiriira gaarto ugu danbeynta tartankan.

Lugta labaad ee tartankan ayaa la ciyaari doonaa kowda bisha soo socota ee May, waxaana labada kooxood tii soo baxdaa ay ugu danbeynta (Final) la ciyaari doontaa Liverpool iyo Roma tii soo baxda kulanka danbe.

PUNTLAND POST