Garowe:-Ururka Somali Relief Network oo qado u sameeyay ilaa 300 oo qoys oo danyar ah

Ururka Somali Relief Network of North America (SRNNA) ayaa maanta ku dhawaad ilaa 300 oo qof oo u badan caruur kazoo jeeda qoysaska danyarta ee ku nool magaalada Garowe u sameeyay qado alle bari ah oo isugu jidha Hilib iyo Raashin bisil.

Aadan Maxamed Ciise Gadaale oo ah madaxa hay,adda Somali Relief Network ayaa sheegay in tiro 15 neef oo la qalay iyo raashin ay ku bixiyeen caasumada qadada oo ay u sameeyeen caruuraha kazoo jeeda qoysaska danyarta ee ku nool Garoowe.

Aadan Gaadaale ayaa intaas ku daray inuu ururku maalmo kahor deeq biyo ah ka qaybiyay tuuladda uus_gure iyo deegaano kale oo ku teedhsan Degmadda Dangoranyo ee Gobolka Nugaal.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ururka Somali Relief Network gacansiiyo danyarta ku nool deegaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaalida iyo Mandiqada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST