Shirkii Sannadlaha ahaa ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha Puntland oo Garoowe Ka furmay

Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soof, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya iyo dhammaan Agaasimeyaasha guud  ee Wasaaradaha iyo hay’adaha ka faa’iideysanaya Mashruuca.

Shirka waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay Mashruuca sannadkii tegey ee 2017-ka, waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay qorsheyaasha sannadkaan 2018-ka u qorshaysan in la fuliyo.

Waxyaabaha la taaban karo ee ka mid ah guulaha la gaarey sannadkii 2017-ka ayaa waxaa kamid ah Hirgelinta Mac-hadka dawliga ah ee maamulka iyo maaraynta ee IPAM oo markii ugu horreysey taariikhda laga hirgeliyey Puntland, Tababaradii kala duwanaa ee loo qabtay shaqaalaha dawladda, Heshiisyo uu mashruucu fududeeyey oo dawladdu la gashay Kenya, Tanzania iyo Itoobiya kuwaas oo la xiriira tayaynta shaqaalah, Higelinta tobaneeyo siyaasadood oo loo dejiyey hay’adaha kala duwan ee dawladda, Tirokoobka shaqaalaha dawladda iyo Gaadiid la gudoonsiiyey xarumaha dawladda si loo dardargeliyo shaqada xarumaha dawladda.

Mashruuca tayaynta oo saddex sano ka shaqaynayey Puntland ayaa laga gaarey guulo la taaban karo oo gundhig u noqday tayaynta hay’adaha dawladda taas oo ah iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dawladda taas oo qayb ka ahayd ballaan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa Tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha dawladda.