Dowladda Itoobiya oo isbedel ku sameynaysa Xeerarka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha


Addis Ababa (PP) ─
Xukuumadda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay isbedel ku sameyso sharciyada la sheegay inay ka dhanka yihiin Xuquuqda Aadanaha, kuwaasoo sababay in lagu tunto xuquuqda siyaasiyiinta iyo suxuufiyiinta dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo la hadlayay dadweyne dibadbax ku dhigayay magaalada Addis Ababa maalintii shalay ahayd, ayaa shacabka ka dalbaday inay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay ogaadaan in xilligan ay wadaan dadaallo lagu soo af-jarayo waxyaabihii sababay bannaanbaxyo dalkaas ka socday saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay doorashooyinka dalkaas ka dhacaya, isagoo sheegay in sannadka 2020-ka ay dalkaas ka dhicayso doorasho xor ah; wuxuuna xusay in mucaaradku ay si furan uga qayb-qaadan karaan doorashooyinkaas.

Abiy Ahmed ayaa booqashooyin ku kala bixinayay gobollada ay Itoobiya ka kooban tahay, isla markaana ay dadaal ugu jiraan sidii xalaadda dalkaas ay kusoo celin lahaayeen, wuxuuna xusay in dadaalkan uu qayb weyn ka yahay sidii loo bedeli lahaa ra’yiga guud ee Itoobiya laga qabo.

“Isbedellada aan doonayno waa kuwo lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaaray kaddib saddex sano oo ay ka socdeen bannaanbaxyo dowladda looga soo hor-jeedo kuwaasoo horseeday dhimashada boqolaal qof,” ayuu Ahmed ku yiri hadal uu u jeediyay dibadbxayaasha isugu soo baxay Addsi Ababa.

Mar uu ka hadlayay doorashooyinka Itoobiya ka dhici doona, ayaa wuxuu yiri. “Waxaan ballan-qaadaynaa inaan isbedel ku sameyno sharciyadii hor-seeday ku tumashada xuquuqda aadnaha Itoobiya, waxaana naga go’an in aan suuro-gelinno in mucaaradku ay door ka ciyaaraan doorashooyinka soo socda.”

Dhanka kale, Rai’sul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa billaabay dadaallo tan iyo intii xilka loo dhaariyay bishii hore. Waxaa xabsiyada Itoobiya laga siidaayay tira saxafiyiin ah, dad u xirxirnaa siyaasadda, waxaana albabaada la isugu dhuftay xabsiyo islamarkana waxaa dib loo soo celiyay khadadka internetka ee taleefoonada gacanta oo muddo bilooyiin ah laga jaray qayba ak mid ah dalkaasi.

Ugu dambeyn, Waxaa wali dalka Itoobiya ka jirta xaaladdii deg-dega ahayd ee lagu soo rogay taasi oo dadka dhaliilsan ay ku baaqayaan in la qaado, si ay xaaladdu caadi ugu soo laabato.

PUNTLAND POST