Soomaaliya iyo Imaaraadka oo wada hadal u bilowday

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaaraadka oo khilaafkii soo kala dhexgalay uu maalmihii u danbeeyay sii xoogeystay ayaa waxaa hadda u bilowday wada hadal arintaas xal looga gaarayo.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo u bilowday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Cawad oo kamid ahaa Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wada hadalku u socdo Madaxda sare ee labada dal, hadana uu meel fiican marayo.

Dhanka kale Wasiir Cawad ayaa beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Imaaraad ay Soomaaliya uga dacwootay dalka Sucuudiga.

Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xoogeystay kadib markii dhawaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay lacag dhan 9.6 Malyan oo doolar oo ka timi Imaaraadka, taas oo sababtay in Imaaradku joojiyo taakuleyntii iyo tababaradii uu siin jiray ciiidamada Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Jaamacada Carabta u gudbisay dacwad ka dhan ah Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay in ay ku xadgudbay Qaranimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST