HAYA’ADDA KAALO OO QARDHO KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN XUQUUQDA AADANAHA

Qardho-[Puntland Post]-Haya’’adda Kaalo ayaa tababar u qabatay Saraakiil ka socotay Booliska iyo Asluubta Qardho, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Karkaar,

Furitaankii tobabarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Kaalo kuwaas oo u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, waxayna uu kula dardaarmatay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixinayo tababarkan.

Tababarkan oo laba maalmood socon doona ayay saraakiisha Booliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo.

Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Haya’ada Kaalo, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna qayb ka yahay mashaariic balaaran oo ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Mahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Booliska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Karkaar, si loo ilaaliyo xuquuqda Bini,aadamka, Maxaabiista iyo hanaanka baarista dambiyada.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post