Ra’isilwasaare Kheyre oo ka qeeybgalay kulan Amniga ku saabsan

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,  iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, , waxaana kulankaasi goob joog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo hadal dheer ka jeediyey kulanka ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho , ilaalinta  hantida Umadda , sare u qaadista  kalsoonida shacabka  , isagoo sheegay in si dhab ah la iskula xisaabtami doono hadii ay timaado dul duleelo xagga amniga ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageeridda laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa magaaladda muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wada shaqeynta Shacabka , Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray qaybaha Taliska Ciidanka Booliska soomaaliyeed waxaana qaybahaasi u sharaxay waxyabaha lagu qabto Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed.

PUNTLAND POST