RW ku-xigeenka DF oo shir-gudoomiyay kulan Guddiga isku-duwidda Arrimaha Badaha

Muqdisho (PP) ─ Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Isku- Duwida arrimaha Badaha oo ay ka soo qayb galeen xubnaha gudiga ee kala ah Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Dekadaha, Kaluumaysiga, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo wakiilada xubnaha dawlad goboleedyada uuna shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa looga hadlay sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka.

Kulankan waxaa looga dooday sharciyada heer federaal ee la dagaalanka burcadka badaha iyadoo uu sharaxaad ka bixiyay sharciga burcad badeedka Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxuuna ka hadlay xeerarka qabyo qoraalka ah ee khuseeya arrimaha badaha, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadadamada shisheeye ay u baahan yihiin in loo sameeyo sharciyadii lagu dhaqi lahaa.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay wasaarada Amniga oo ka warbixisay howlgalada wasaarada ee Qorshaha qaran ee Ciidamada Amniga xeebaha, iyadoo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhiga mudane Xagaa isna uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah la ansixiyo si ay wasaaradaha u wada howl galaan ayna si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga badaha. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badaha ayaa laga dhagaystay sharciyada maraakiibta Ganacsiga ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya ee been abuurka ah iyo xubinimda IMO.

Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa sidoo kale ka warbixisay socdaalkii Wasiirka Kaluumaysiga xukuumada federaalka iyo Qorshaha qaran ee hawlaha wasaarada ee khuseeya Qorshaha qaran ee qaybsiga khayraadka kaluunka. Dhanka kale wasaarada Arimaha Dibada ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriiro heshiisyada caalimga iyo badaheena.

Kulankan ayaa warbixino looga dhgaystay wakiilada iyo wasiirada dowlad goboleedyada sida Puntland, koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Gal-Mudug dhamaantoodna waxay ka warbixiyeen baahiyaha ay u qabaan sida loo sugi lahaa amaanka badeena iyo sidii loo samayn lahaa sharciyada heer caalami ee badaha iyo in door shariif ah ay xukuumaddu ka qaadato arrimahan xasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar oo soo gaba-gabeeyay shirka ayaa ka mahad celiyay ka soo qayb galka dawlad goboleedyada iyo war bixinadii ay ka bixiyeen arrimaha la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka, isagoo bogaadiyay sidii ay ugu dhabar adeegeen waqtigii adkaa ee la soo maray. Sidoo kalena waxuu sheegay in dawladdu ay dar-dar galin doonto howlaha badaha,lana qaban doono doodo fara badan oo looga hadlayo Arimaha Amniga badaha.

PUNTLAND POST