Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Dalka Sucuudi Carabiya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Goordhow maanta oo sabti ka amba bixi doono garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir looga hadlayo mideeynta madaxda Jaamacada Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaasi waxaa uga sii horeeyay wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya .

Warar aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu Sucuudiga kula kulmi doono madax ka socoto Dowlada Imaaraadka oo xulufo la ah Sucuudiga.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah shirkaasi kadib kula yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda wada Carabta.

Baryihii ugu dambeeysay dadka falanqeeya siyaasada Arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa sheegayay in uu mad madoow soo kala dhexgalay Dowlada Soomaaliya iyo Dowladaha Khaliijka Carabta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho