Dowladda FS oo sheegtay inay la wareegayso Ciidamada uu tababaray Imaaraadka

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay la wareegayso gabi ahaan ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ee ku sugan dalka, inkastoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa go’aankan.

Wasiirka gaashaandhigga Somalia Maxamed Murasal Sh. C/raxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Imaaraadku tababaray ay wixii hadda ka dambeeya la wareegayso dowladda Somalia, isl markaana ay bixinayso mushaaraadkooda.

“Ciidamada ay tababareen Imaaraadka waxaa la wareegaysa dowladda, waxana lagu kala dari doonaa ciidamada qalabka sida, mushaarkoodana innaga ayaa bixin doona,” ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, C/weli Jaamac Xuseen [Goro]d oo maanta la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowladda Imaaraadku ay ku tababartay dalka ay la wareegi doonto dowladda.

Mar la weydiiyay Taliyaha in tallaabadan ay ka dhigan tahay in doorkii uu ku lahaa imaaraadka tababarka ciidamada Somalia uu dhammaaday ayuu kaga jawaabay. “Markii horeba heshiis ayay ku timid, waana arrimo siyaasadeed oo haddii laga baxayo u yaalla labada dowaldood, mana ahan wax aniga igu xiran.”

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Aniga muhiimaddeydu waxay tahay in ciidamada la ii tababaro oo aan adeegsado, balse arrimahan kale oo dhan waa kuwo dowladda ay go’aan ka gaari karto.”

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada xogga dalka ayaa wax laga weydiiyay lacag dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasoo ahayd mid ay lahayd dowladda Imaaraadka wuxuu sheegay in lacagtaas ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.

“Lacagtaas way imaan jirtay, anigana waxaan qoray warqad aan ku leeyahay waa in loo fasaxo, balse muran ayaa yimid, garoonka ayaan tagay; laakiinse ugu dambeyn dowladda ayaa la wareegtay, mana garanayo sababta xilligaan loo qabtay lacagta,” ayuu yiri Jen. Gorod.

Wuxuu kaloo taliyuhu sheegay in lacagtan ay ahayd mid loogu talo-galay in loo siiyo ciidamada iyo tababarayaashooda mushaar ahaan, wuxuuse si aad ah uga gaabsaday inuu faahfaahinno intaas ka badan ka bixiyo lacagtaan iyo halka ay ku dameysay.

Ugu dambeyn, go’aanka ay Dowladda Somalia kula wareegtay lacagaas ayaa imaanaya xilli uu jiro mad-madow u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaasoo ka dhashay heshiiskii shirkadda DP World ee Dekedda Berbera.

PUNTLAND POST