Daawo: Warbaahinta Federalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo la midaynayo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala,ayaa sheegay in la dhisayo xarun dhexe oo ay ku midaysan yihiin Warbaahinta heer Qaran iyo heer dowlad goboleed,si loo wadaago xogta.

Agaasime Al-cadaala ayaa sidoo kale sheegay in la dhisayo guddi qaabilsan wacyi-gelinta heer Qaran,guddigaasi oo dejin doona siyaasaddda wacy-gelinta Qaranka.

Cabdiraxmaan Al-cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale shaaciyay in la samaynayo siyaasadda isku-xirka Warbaahinta dalka,si loo wadaago wararka iyo dhacdooyinka kala duwan ee waddanka oo dhan.

Siyaasaddan ayuu ku tilmaamay mid sahlaysa in si wanaagsan loo wadaago guud ahaan akhbaarta ka cusub dalka,islamarkaana farriin midaysan loo gudbiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa agaasime Al-cadaala ka sheegay, wejiga labaad ee shirka wada-tashiga wasaaradaha Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST