Shir lagu dhisayo guddi qaabilsan Wacyi-gelinta heer Qaran oo Garoowe ka furmaya.

Shir u dhexeeya mas’uuliyiinta Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedyada dalka oo ku saabsan horumarinta iyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta Soomaaliya ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirkaan oo sida qorshuhu yahay socon doona mudda 5 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya,Wasiir ku xigeenka ahna siihayaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Iidan Yoonis,Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada dalka,agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala iyo qaar kamid ah agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta heer dowlad goboleed.

Qodobada shirkaan horyaalla ayaa waxaa kamid ah,in la dhiso guddi heer Qaran oo qaabilsan wacyi-gelinta dadweynaha,in laga doodo anshaxa iyo sharciga Saxaafadda dalka iyo sidoo kale in xoojiyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleed,sida lagu xusay ajendaha shirka.

PUNTLAND POST