Puntland oo guddoomiye cusub u magacowday degmada Laascaanood

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland ahna,Kusimaha madaxweynaha,Cabdixakiin cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa guddoomiye cusub loogu magaacabay degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wareegtada oo ku taariikhaysan 9 bishaan April ee 2018,ayaa duqa cusub ee Laascaanood loogu magacaabay,Cabdiqani Makhtal Maxammed Garaad,waxaana shaqada looga joojiyay duqii hore ee degmadaasi,Cabdalle Xaaji Warsame.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in weli ay taagantahay xiisaddii ka dhalatay ganacsade caan ah oo habeen ka hor lagu dilay halkaasi.

Maamulka Somaliland ee degmadaasi haysta ayaa ciidamo badan oo militari ah ilaa iyo shalay ku daabulayey bartamaha magaalada,waxaana shacabka lagu amray in aysan wax socod ah samayn karin xilliyada habeenkii ah.

Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka Laascaanood oo diiday in magacooda iyo codkooda la xigto oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay dilka ganacsade,Maxammed cabdi Timir iyo isku-dirka beelaha gobolka.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada.