Kacdoon ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wararka ka imaanaya magaaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaas uu ka bilowday kacdoon looga horjeedo maamulka Somaliland,kadib markii malayshiyaad hubaysan ay xalay bartamaha degmadaasi ku dileen ganacsade caan ah oo gobolka u dhashay.

Ganacsadaha la dilay oo si weyn u aaminsanaa midnimada Soomaaliya ayaa lagu magacabi jiray,Maxammed cabdi Timir,waxaana bartamaha Laascaanood ku dilay rag hubaysan oo aan weli haybtooda la garan ,laakiin shacabka ayaa dilka ganacsadahan ku tuhunsan maamulka Somaliland ee haysta magaalada.

Qaar kamid ah xaafadaha degmada Laascaanood ayaa lagu arkayaa malayshiyaad hubaysan oo diiddan maamulka Somaliland,waxaana maamulku degmadaas ku daabulaya ciidamo militari ah,si ay uga hortagaan kacdoonka halkaasi ka socda.

Dhinaca kale Somaliland ayaa gobolka Sool ku soo daad-guraynaysa ciidamo marya-calas oo hab beeleed u abaabulan,kadib markii ay u baqday ciidankeeda ku sugan jiidda hore ee Tukaraq oo ay is-horfadhiyaan ciidamada difaaca dowladda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in khilaaf hoose ka dhexeeyo saraakiisha u dhashay gobolka Sool ee ka tirsan militariga Somaliland iyo hoggaanka ciidanka,islamarkaana kala shaki xooggan soo dhexgalay.

Xaaladda gobolka Sool ayaa qarka u saaran dagaal sal-ballaaran oo ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland,xilli inta badan waxaradkii,ganacsatadii,culimadii iyo garaadadii Sool ay ka soo guureen degaannada Somaliland kaga sugantahay gobolka.

PUNTLAND POST