Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in la kala diray, Golaha Degaanka degmada Garoowe,sida ku cad qoraal uu soo saray madaxweyne Gaas.
wareegtadaan oo ku taariikhaysan 5 bishaan April ayaa lagu caddeeyay in Golaha Degaanka degmada Garoowe ay shaqadoodii gudan waayeen,islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah,sidaasi darteedna loo kala diray.
Dhinaca kale wareegto labaad oo ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas ayaa si ku meel gaar ah, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen u loogu magacaabay Golaha Degaanka Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa loo magacaabay,Axmed Maxamud Ducaale,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Cismaan Maxammed Siciid,sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas.
Kala-diridda Golaha Degaanka Garoowe ayaa ku soo beegmatay,saacado kooban kadib markii lagu dhawaaqay in gebi ahaanba la xalliyay khilaafkii ka dhex jiray Golaha Degaanka,sidoo kalena laga noqday mooshin ay xildhibaannada qaarkood ka gudbiyeen duqa degmada,Xassan Maxammed Ciise(Goodir).
PUNTLAND POST