Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo la wareegay lacag dhan($50,000) doolar

Bosaso[Puntland Post]-Eng Maxamed khaliif Jabiyey oo u u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa lacag dhan ($50,000) doolara ugu deeqay dhismaha wadad xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo hada dhismaheedu marayo meel wanagsan.

Wareejinta lacagtan ayaa ka danbeysay xili uu booqasho ku tagaya halka ay ka socoto dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergabao waxana ku soo dhaweyey gudoomiye ku xigeenka dhismaha wadada Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur isagoona uga mahad celieyey Eng Maxamed Klaiif Deeqada lacageed ee ugu talagalaya dhismaha wadada.

Eng Aadan Yuusf Bare oo enjineerka guud ee wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa uga waramaya waftiga tayada iyo sida aya u socdoto dhsimaha wadada isgoona cadeeyey in had iyo goor si wanagsan loo ilaaliyo tayada dhisme ee wadada.

Maxamed Mahada Ciise oo aha Maareeyaha Mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa ugu horan waftiga uga warbixyey halka uu marayo dhismaha wadada xiriirisa Ceergaabi ilamaa Ceeldaahir ee gobalka Sanaag.

‘’Dhismaha wadadu waxa uu marayaa heer wanagsan waxa uu u baahan yahaya in inta hadhay meel looga soo wada jeesto.

Waxan aminsanahay in hadii dhexda loo xidho aya si wanagsan u dhamaanayso wadadan oo mihiim u bulshada Reer Puntland Sidaas waxa yiri Agaasimaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Maxamed Mahad Ciise.

Ganacsade Maxamuud Khaliif ayaa amaaney guddigii isu xilqaamey mashruuca weyn ee dhismaha Ceeldaahir Ceergaabo, waxaana uu sheegay in uu kaga qaybqaadanayo 50,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa hadda ku dhaw degmada Badhan, waxaana dhawaan gaarey CeelDaahir qalabkii la saari   lahaa daamuurta iyo laamiga.

Gudiga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa sheegaya in loo baahan yahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaan dhameystirka wadada oo la sheegay in ay wax yar ka harsan tahay.