Ra’iisul wasaare Kheyre oo kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Banaadir

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah degmooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa kormeerkaan ku wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taliyaha Booliska iyo masuuliyiin kale.

Kheyre ayaa tagay degmooyinka Hodan, Waabari, Cabdi Casiis waxaana uu u guurgalayay amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixino ka dhageeysanayay taliyaasha ciidamada amniga uu su aalo ka weeydiinayay amniga.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax  ayaa ka warbixiyay kormeerkaasi.

Waxaana uu sheegay in kormeerkaasi uu yahay mid Amniga Muqdisho lagu dar dar galinayo.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho